Booliska dalka Belarus oo xiray in ka badan 140 qof oo dibadbaxyo ka qayb qaatay

Ciidamada booliska ee dalka Belarus ayaa lagu soo warramayaa inay xabsiga dhigeen ugu yaraan 140 qof kaddib dibadbaxyo ka dhacay caasimadda waddankaas ee Minsk.
Saraakiisha ayaa sido kale sunta dadka ka ilimeysiisa ku kala eryay taagerayaasha mucaaradka oo dalbanayay in doorasho cusub la qabto.
Dalka Belarus ayaa waxaa ka jiray dibadbaxyo iyo shaqo joojin tan iyo markii Alexander Lukashenko oo muddo dheer talada haya si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashadii dhacday 9-kii bishii sideedaad ee sanadkan.
Tan iyo xilligaas taageerayaasha mucaaradka ee Belarus ayaa dhigayay mudaharaadyo toddobaadla ah oo ay isugu soo baxayaan waddooyinka.
Waxay doonayaan inuu mas’uulkan oo 65 sano jir ah xafiiska baneeyo si fursad loogu helo in doorasho hor leh la qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here