Booliska dalka oo baadi goobaya 14-dambiilayaal ka baxsday baabur lagu waday

109

Guud ahaan dalka booliska waxay raadinayaan 14-nin oo dambiyaal la tuhunsanyahay oo ka baxsaday baabur ay leeyihiin ciidamada asluubta xili loo waday xabsiga Industrial Area ee Magaladatani Nairobi todobadkii tagay malintii Jimcaha.
Sida booliska ay sheegayaan dadkan la tuhunsanyahay ayaa ka so booday baaburka ka hor inta aysan goynin xeen daabkii ku xirnaa daaqada baaburka.
Laba ka mid ah ayaa dib loo qabtay waxyar ka dib markay ka soo boodeen baaburka oo ka soo baxay magalada Thika.
Dhaawac rasas ayaa soo gaaray ka dib markii ay ciidamada asluubta ay rasaas ku fureen waxana la dhigay isbitalka heerka shanaad ee Magalada Thika.
Labadaasi ayaa waxa laga soo qabtay suuqa Marikiti halkaasi oo la sheegay inay ku dhuumaleysanyeen.
Magacyadooda ayaa lagu aqoonsaday inay kala yihiin James Kamau iyo Amos Wanyoike Wanjiru.
Ragga la tuhunsanyahay ee baxsaday ayaa horaan lagu qabtay Thika, Juja, Ruiru iyo Ismamulka Murang’a Waxaana lo qbatay dambi ah dhac iyo rabshad.
Ragga baxsaday waxa ay kala yihiin Sharif Hassan Juma, Davis Jonathan Kimani, Sebastian Mburu, Peter Gitau Macharia, Isaac Nganga Wainaina, Daniel Njuguna, Moses Njoroge iyo Andrew Kiiti Makau.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here