Booliska dalka oo bayaan ka soo saaray weerar ciidamo lagu dilay

Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in galinkii dambe ee shalay 10 ka mid ah ciidamada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano GSU-da lagu dilay wadada isku xirta xaarxaarka iyo dhamajaaleey ee ismaamulka Garissa.
Dhimashada saraakiisha ayaa timid kaddib markii baabuur ay saarnayeen ay la qaraxday miinada dhulka lagu aaso.
Abaanduulaha guud ee booliska dalka Mr. Hilary Mutyambai ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ciidamadu ay roondooyin sameynayeen.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhanka kale gaarigii ay la socdeen uu soo gaaray burbur xooggan.
Sido kale waxaa uu hoosta ka xariiqay in baaritaano dhacdadaasi ku aaddan la guda galay iyadoo saraakiil dheeraad ah halkaasi la geeyay si ay dadkii falkaasi ka dambeeyay ay u raadiyaan amnigana loo sugo.
Mr. Mutyambai ayaa xusay in weerarkaasi uu dhacay abaare 5:30 ee galabnimo ee shalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here