Booliska dalka oo beeniyay inay bartilmameedsanayaan William Ruto

Taliyaha guud ee ciidamada booliska wadanka Mr. Hillary Mutyambai ayaa beeniyay inay dhaqangeliyeen sharci la xiriira isku imaatinka dadweynaha oo si gaar ah loogu bartilmameedsanaya kulamada uu qabto ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto.
Abaanduulaha ayaa difaacay waaxda qaran ee adeegga booliska oo uu sheegay in si ay dhexdhexaadnimo ku dheehan tahay ugu adeegto shacabka.
Tani ayaa timid kaddib markii su’aal la geliyay sababta ciidamada ammaanka aysan u kala eryin dadka isugu yimaado isku soo baxyada uu hoggaamiyo madaxa mucaaradka ee ODM , Raila Odinga halka dhowr jeer la buriyay isku imaatin dadweyne oo lagu waday inuu William Ruto ka qayb galo.
Mr. Hillary Mutyambai ayaa ku nuuxnuuxsaday in tallaabooyinka ay qaadaan ciidamada ammaanka lagu saleeyo badbaadinta nolosha iyo hantida shacabka.
Waxaa uu intaa ku daray in ciidamada ammaanka ay si madax bannaan u gutaan waajibaadkooda iyagoo ka faa’iidaysanaya awoodaha uu siiyay dastuurka hadda wadanka u degsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here