Booliska dalka oo raadinaya shakhsiyaad lagu tilmaamay kuwo halis ah

Ciidamada booliska ee dalka ayaa soo saaray magacyada iyo sawirrada ilaa saddex qof oo laba ka mid ah looga shakisan yahay falal argagixiso .
Dadkan ayaa sido kale lala xiriirinayaa falal dambiyeedyo ka dhacay ismaamullada Nairobi iyo Mombasa.
Sida ku qoran bogga rasmiga booliska ee Facebook-ga waxaa eedeysanayaasha oo lagu tilmaamay kuwo khatar ah oo hubeysan ay kala yihiin Carafaat Kyalo Masaai, Juma Waziri iyo Saalim Maxamad Axmed .
Laamaha ammaanka ee dalka ayaa cid kasta oo ka war haysa ka codsaday inay la xiriirto nambarrada kala ah 999, 911, 112 ama inay tagto saldhigga booliska ee ugu dhow.
Arrintan ayaa sido kale shaaca looga qaaday bayaan uu ku saxiixan yahay afhayeenka booliska Mr. Charles Owino.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here