Booliska dalka oo sheegay in shalay uunan dagaal ka dhicin Mandera

Waaxda qaran ee adeegga booliska dalka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inaynan jirin weerarro shalay ka dhacay gudaha magaalada Mandera ee gobolka waqooyi bari sida la soo tabiyay.
Qoraalkan oo uu saxiixay agaasimaha booliska u qaabilsan dhanka isgaarsiinta Mr. Charles Owino ayaa lagu xusay in dagaalka u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland uu ka dhacay degmada Beledxaawo oo daris la ah Mandera.
Dadweynaha ayaa lagu wargeliyay in ciidamada ammaanka ee dalka ay heegan sare ku jiraan si looga hor tago iskuday kasta oo ay sameeyaan waxa loogu yeeeray maleeshiyada gobolka Gedo.
Booliska ayaa sido kale hoosta ka xarriiqay in ciidamo dheeraad ah la geeyay Mandera si amniga ay u adkeeyaan.
Shacabka ayaa looga digay inay baraha bulshada ay ku wada xiriirto ama qaab kale ay ku faafiyaan warar aan xaqiiqda ku saleysnayn maadaama taasi uu walaac xooggan ka dhalan karo.
Sido kale waxaa muwaadiniinta Kenyaanka ah lagu wargeliyay in hadii waxyaabo ay ka shakiyaan ay ku arkaan xadka ay wadagaan wadamada Kenya iyo soomaaliya inay wacaan nambarrada kala ah 999, 911 iyo 112.
Shalay ayay ahayd markii shacabka ku nool ismaamulka Mandera ay soo wajahday cabsi xooggan kaddib dagaal dhacay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in isbitaalka Mandera la dhigay ilaa 10 qof oo isugu jiro 6 shacab iyo afar sarkaal oo ay dhaawacyo soo gaareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here