Booliska dalka oo sheegay in si weyn loo sugay amniga gobolka xeebta

Ku xigeenka abaanduulaha booliska Mr. Edward Njoroge Mbugua ayaa shacabka ku nool ismaamullada gobolka xeebta ee dalka iyo kuwa halkaasi u tagaya howlaha dalxiiska ama inay u soo dabbaal degaan ciidda masiixiga ee Christmas u xaqiijiyay in amniga la adkeeyay.
Mr. Mbugua ayaa arrintan warbaahinta u sheegay kaddib kulan uu ciidamada ammaanka kula qaatay dowlad deegaanka Kilifi.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in kastoo dhawaan ay dhaceen falal burcadnimo oo xasiloonida lid ku ah haddana inaynan jirin halis walaac laga muujin karo.
Sido kale mas’uulkan ayaa saraakiisha ammaanka ku boorriyay inay waajibaadkooda sida habboon uga soo baxaan oo ay mudnaanta koowaad siiyaan xaqiijinta badqabka dadweynaha.
Mr. Mbugua ayaa dhanka kale ku baaqay in la ilaaliyo shuruucda dhanka waddooyinka maadaama xilliyadan oo kale ay inta badan shilal dhacaan.
Waxaa uu darawaliinta baabuurta kaxeynayay uga digay inay isticmaalaan dhinaca khaldan ee wadada.
Mr. Mbugua oo lagu wado inuu kulamo amniga lagu xoojinayo ku qabto ismaamullada Mombasa iyo Kwale ayaa amray ku bixiyay in ciidamada taraafikada ay gacanta ku dhigaan baabuur kasta oo sida tiro rakaab oo ka badan intii loogu talagalay in gaariga ay ku safraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here