Booliska Gaalkacyo oo Gacanta ku dhigay Waxyaabaha Qarxa

Howlgal Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug ay ka sameyeen Ciidamada Ammaanka ayaa waxay sheegeen inay gacanta ku Soo dhigeen Jaakad qaraxyo ah oo lagu qarinayey Xaafad kamid ah Koonfurt Magaaladaas.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Gaashaanle dhexe Qaasim Sheekhdoon Cali ayaa sheegay in jaakad,waxyaabaha qarxa iyo agabkii lagu qarxinayey ay kasoo qabteen guri ku yaalla Magaalada Gaalkacy oo lagu qarinayey.
Wuxuu intaasi ku darey in qaar kamid ah Shacbaka ku nool Magaalada Gaalkacyo ay xogta lasoo wadaageen Saraakiisha Booliska,sidaasina ay ku fuliyeen howlgalka ay kusoo qabteen waxyaabah qarxa.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamuka Galmudug Cabdiraxmaan Cali diiriye ayaa uga mahad celiyey Ciidamada Booliska ee ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan waxyaabaha qarxa, inkastoo aan la soo bandhigin dad loo soo qabtey qaraxyadaasi.
Guddoomiyaha waxaa uu ugu baaqay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed inay Ciidamada ka howlgalla Magaalada Gaalkacyo ku taageeraan agabka wax lagu baaro iyo waxkasta oo u suurtagelin kara inay Ammaanka Magaaladaasi si wanaagsan uga Shaqeeyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here