Booliska Galmudug oo qabtay nin ku eedaysan dil iyo kufsi

Ciidanka Booliiska Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa lagu soo waramayaa inay xalay xilli dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ku soo qabteen mid kamid ah rag lagu eedeeyay kufsigii iyo dilkii Magaalada Muqdisho loogu geystay Xamdi Maxamed Faarax.
Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ninkaasi oo lagu Magacaabo Maxamed Ibrahim Cismaan oo 24 jir ah, kuna dhashay Magaalada Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Muqdisho falka ka dib hada ay Boolisku Gacanta ku hayan.
Waxaa ay u mahad celisay Ciidamada iyo Shacabka Maamulka Galmudug oo ay sheegtay inay si wadajir ah uga Shaqeeyeen sidii gacanta loogu so dhigi lahaa eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa.
Booliska Soomaaliya ayaa shalay sheegay in 11 Ruux ay u hayaan kiiska kufsiga iyo dilka ee dhibbane Xamdi, isla markaana baaritaano ay ku hayaan dadkaasi si Cadaaladda loo horkeeno qofkasta oo lagu cadeeyo inuu danbigaas ku lug leeyahay.
Sidoo kale Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa Xaqiijisay in Ciidanka Amniga Galmudug ay xalay abaaro saqdii dhexe ku guulaystay In ay gacanta ku soo dhigaan eedeeysane Maxamed Ibraahim Cismaan, 24 jir, kaasoo ku dhuumaalaysanayay guri ku yaalla magaalada Cadaado.
Eedaysane Maxamed Ibraahim ayaa lagu tuhmaayaa inuu ku lug lahaa kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee marxuumad Xamdi Maxamed Faarax loogu geystay Hotel ku yaalla degmada Waaberi magaalada Muqdisho.
Laba bilood ka hor ayey ahayd markii ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Amniga Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo Wiil dhallinyaro ah oo xasuuq wadareed ka soo geystay duleedka magaalada Muqdisho.
Wasaaradda amniga Galmudug waxey bogaadinaysaa dadaalka ciidamada amniga iyo taageerada ay shacabka Galmudug la Garab taagan yihiin ciidamadooda ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaaradda amniga Galmudug .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here