Booliska Gobolka Hiiraan oo Fashiliyay Miino dhulka lagu aasay.

Ciidamada Booliska Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa inay ku guuleysteen fashilinta Miino lagu Aasay bartamaha wadada ka baxda Magaalada Baladweyne ee Aada dhanka Garoonka Diyaaradaha.
Saraakiisha Ciidanka Booliska ayaa sheegay in dadka Shacabka ah ee wadadaasi mara ay Ciidamada kusoo wargeliyeen Miinada wadada bartankeedalagu aasay,isla markaana Ciidamada Booliska Magaalada Baladweyne qeybta Miina baarista ay ku guulaysteen inay Miinadaasi soo saareen ayadoo aysan wax dhibaato ah ka dhalan.
Wararka ayaa intaasi ku darayaan in Ciidamada ay ugu dambeyn qarxiyeen miinadaas, iyadoo aan cidna wax ku noqon,sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Booliska Magalada Baladweyne ee howlgalkaasi Fuliyay.
Wararka qaar ee laga helayo Magaalada beledweyn ee Xarunta gobolka hiiraan ayaa waxaay sidoo kale sheegayaan in howlgal ay Fuliyeen Ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen Ruux looga shakisan yahay inuu ahaa qofkii miinada Goobta ku aasay,wallow saraakiisha Ciidamada Booliska ee gobolka Hiiraan aysan wali wax faah faahin ah ka bixin arintaasi.
Wadada xiriirisa Magaalada Baladweyne iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladaas ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo lala eegtay Ciidamo ka tirsan dowladda dhexe,kuwa Maamulka Hir-Shabeelle iyo Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM,isla markaana qaraxyadaas ay ka dhasheen khasaaro kala duwa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here