Booliska Gobolka Nugaal oo qaad Fara badan gubay

Ciidanka Booliska Maamu goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland qeybta ka howlgasha Gobolka Nugaal ayaa lagu soo waramayaa inay halkaas ku gubaan qaad fara badan oo si sharci daro ah lagu soo galiyay deegaanada maamulka Puntland.
Ciidanka Booliska ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland waxay ka sameeyeen howlgal lagula dagaalamayo Maandooriyayaasha khamriga iyo Qaadka ayagoona qaadka la gubay gacanta ku soo dhigay.
Ciidamada ayaa howlgalka inta uu socday waxaay kusoo qabteen qaad farabadan oo si dhuumaaleysi ah lagu soo galiyay gudaha Magaalada Garoowe, kaasoo la doonaya in si qarsoodi ah looga iibiyo bulshada xili arrintaas laga mamnuucay deegaanada Puntland iyo Soomaaliya oo dhan.
Maandooriyaha qaadka ee lagu soo qabtay hawlgalada Ciidanka Booliska Gobalka Nugaal ay Sameeyeen ayaa waxaa lagu gubay bartamaha Saldhiga dhexe ee degmada garowe, waxaana goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, taliyaha qaybta gobolka Nugaal iyo saraakiil kale.
Taliyaha Booliska Puntland Sareeye/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in marnaba Maamulka iyo saraakiisha amaankuba aqbali doonin in qaad lasoo geliyo deegaanada Puntland, maadaama uu jiro Cudurka Coronavirus oo joojinta qaadka ay qayb ka tahay ka hortagiisa.
Sidoo kale Taliye Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa waxaa uu tilmaamay in qaadka uu kamid yahay waxyaabaha uu ku faafo Cudurka, wuxuuna digniino u diray dadka Qaadka soo galiya deegaanada maamulka Puntland, isagoo xusay in tallaabo adeg laga qaadi doono cidkasta oo lagu qabto ganacsigaan la mamnuucay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here