Booliska Godinlabe oo dad u qabtay gabadh Maydkeeda laga helay deegaan Godinlabe hoostaga

Ciidamada Booliska degmada Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa shaaciyeen in qof loo xiray Gabar yar oo 11 jir aheyd,taasoo meydkeeda laga helay degaanka Ceyn ee duleedka Magaalada Godinlabe.
Taliye ku-xigeenka Saldhiga Booliska Degmada Godinlabe ayaa sheegay in Gabadha yar oo lagu Magacaabi jiray Caaisho Maxamed Shanleey markii la dilay kadib meydkeeda la kor saaray geed ayna halkaas kasoo Saareen.
Waxaa uu sheegay in kiisaas dilka ah ay u soo qabteen Haweeney kamid ah dadka degaanka Ceyn oo la sheegay inay gabadha yar Habar yar u aheyd, isla markaana ay baaritaan dhab ah ku sameyn doonaan.
Ugu dambeyn Taliye ku-xigeenka Saldhiga Booliska Degmada Godinlabe waxaa uu sheegay inay haatan wadaan howlo baaritaano ah oo ku aadan dhacdadaan isla markaana wadatashiyo kadib ay meydka Gabadha Aasi doonaan.
Gabadha yare e Meydkeeda la helay ayaa la sheegay in la waysanaa mudo 15 Cisho ah ugu danbayna saaka maydkeeda laga helay deegaanka Cayn oo qiyaastii 15-KM u jira magaalada Godin-labe Ee Gobolka Galgaduud.
Dhacdooyinka la xiriira dilka Gabdhaha yar yar oo qaarkood la kufsaday ayaa kusoo batay dalka Saddexdii sano ee la soo dhaafay,waxaana dhacdadii ugu weyneyd ay noqotay kufsigii & dilkii Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caa’isho Ilyaas Aadan walow dadkii falkaasi lagu helay la dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here