Booliska Guriceel oo baadi goobaya gabar Maalin ka hor la waayay

ehelada gabar shalay la waayey ayaa saldhiga booliiska degmada guriceel ee gobolka Galgaduud Bartamaha Soomaaliya xalay tegay si loogu raadiyo gabadhooda oo abaaro duhurnimadii shalay ay waayeen.

Madiino cabdulaahi jaamac oo ah eeddada gabadha la’la yahay oo La hadashay wariyahayaga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud Cubayd Xassan Maxamuud ayaa sheegtay in xaafadda ay degan tahay degmada guriceel ee istarliin laga waayey ayaan jaamac cabdulaahi jaamac oo ay eeddo u tahay.
Sidoo kale ay dhowr meelood ka raadiyeen ilaa hadana aysan hayn gabadhaas cid sheegta.

taliska booliiska ee saldhiga degmada guriceel laba xidigle Maxmed Maxamuud Seeraar ayaa warbahainta STAR u sheegay in gabadhaas la weysan yahay eeddadeed oo soo korsatay ay saldhiga timid iyada iyo gabdho kale oo la socday sidaasna ay ku qoreen warbixinta la xiriirta maqnaanshaha inantaan yar.

gabadhaan oo da,ahaan sida ay eheladeedu sheegeen jirta 14 ayaa weli la weysan yahay waxayna ka mid ahayd gabdhaha dhigto mid ka mid ah iskuulada ku yaala degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here