Booliska Haramcad oo howlgalo fuliyay

Ciidamada booliska Gaarka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee haramcad ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaay howlgallo ka wadaan degaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay ku suganyihiin Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa waxay si gaar ah Ciidamada uga fuliyeen degaannada Ceel Garas iyo God dhurwaa oo Hoos taga degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud, halkaasoo la sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen Xubno ka tirsan Dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliiska Gaarka ah Ee Haramcad Cabdixamid Cabdullaahi Maxamed (Fanax) oo howlgalka hoggaaminayo, ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay sidii ay uga hortegi lahaayeen dhaq dhaqaaqyada ay Al-Shabaab ka sameeyaan deegaanada u dhaxeeya Magaalooyinka Dhuusamareeb & Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Degaano duleedka ka ah Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa inuu dagaal culus ku dhex-maray Ciidamada Dowladda iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kaddib markii degaannadaas ay weerareen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here