Booliska Hong Kong oo bam burburiyay

Ciidamada ammaanka ee jamhuuriyadda Hong Kong ayaa sheegaya inay burburiyeen bam la damacsanaa in waxyeello lagu gaysto.
Sido kale waxay gacanta ku dhigeen afar qof oo lagu eedeyay inay ku howlanayeen sameynta bambooyinka.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska ee Hong Kong ayaa sheegay in dadka la xiray ay da’dooda u dhaxaysa 21 ilaa 29 sano.
Tan iyo bartamihii bishii lixaad ee sannadkii hore waxaa gudaha Jamhuuriyaddaas ka jiray dibadbaxyo lagu dalbanayo dimuqaraadiyad buuxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here