Booliska Indonesia oo baaraya dab ka kacay xafiiska xeer ilaaliyaha guud

Ciidamada booliska ee dalka Indonesia ayaa sheegay inay baaritaano ku sameynayaan dab xooggan oo qabsaday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee wadankaas ee magaalada Jakarta.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay xalay waxaana baaritaanada ku aaddan ee la guda galaya warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka booliska ee Jakarta Yusri Yunus .
Waxaa uu intaa ku daray inaynan jirin cid dhacdadaas ku dhaawacantay.
Dabka xarunta qabsaday ayaa si weyn looga hadlay dhanka baraha bulshada waxayna shacabka sheegayaan in xafiiska la gubay iyadoo laga soo horjeedo baaritaano saameynaya shakhsiyaad magac leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here