Booliska Indonesia oo xiray in ka badan 20 qof kaddib rabshado la sameeyay

Booliska dalka Indonesia ayaa xabsiga u taxaabay ugu yaraan 20 qof oo lagu eedeyay inay hoggaaminayeen rabshado ka dhacay magaalada Jakarta.
Rabshadaha ayaa yimid kaddib markii natiijadii ka soo baxday doorashadii guud ee wadankaasi ka qabsoontay ay muujisay in mar kale la doortay madaxweyne Joko Widodo .
Afhayeen u hadlay booliska Indonesia ayaa warbaahinta u xaqiijiyay howlgalada lagu soo qabqabtay dadkani.
Muuqaalo ay baahiyeen warbaahinta dalkaasi ayaa muujinaya dibadbaxayaasha oo isugu soo baxay wadooyinka degmada Tanah Abang ee ku taalla bartamaha caasimadda Jakarta.
Guddiga doorashooyinka guud ee dalkaasi ayaa ku dhawaaqay natiijada ah in Mr.Widodo uu helay boqolkiiba 55.5 ee codadkii la dhiibtay halka musharaxii la tartamayay Prabowo Subianto uu helay boqolkiiba 44.5.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here