Booliska ismaamulka Kilifi oo baaraya geerida nin u dhashay dalka Austria

Booliska ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta ayaa baaraya geerida nin u dhashay dalka Austria kaas oo meydkiisa laga helay degmada Mtwapa
Ninkaan ayaa xiligii dhacdaani dhaceysay joogay goob baar ah oo loogu caweeyo isagoona goobta ku dhacay xiligaasi kadibna ku geeriyooday isbitaalka
Ninkaan ayaa da’diisu ahay d dhex dhaxaad iyadoona dhacdadaani loo xiray laba haween ah oo xiligaasi la joogeen sida uu sheegay taliyaha booliska koonfurta Kilifi Esau Ochokorodi.
Degmada Mtwapa ayaa sanado badan caan ku ahayd magaalo soo jiidato ajaanibta oo intooda badan kayimid dalalka jarmalka, Talyaaniga, Austria iyo Switzerland waxaana ku yaala boqolaal ka mid ah goobaha lagu caweeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here