Booliska Israa’iil oo xiray mas’uulkii arrimaha gudaha ee Quddus

Ciidamada booliska ee maamulka Israa’iil ayaa sheegay inay maanta oo arbaco ah xabsiga u taxabeen wasiirkii arrimaha gudaha ee maamulka Falastiin ee Quddus Fadi al-Hadami .
Tallaabadan ayay falastiiniyiinta ku sheegeen olole dhibaateyn oo joogto ah.
Mas’uulkan ayaa la qabtay kaddib howlgalo gurigiisa laga fuliyay.
Wakaaladda wararka ee AP ayaa ku warramaysa in booliska Israa’iil ay sheegeen in wasiirka uu howlo siyaasadeed ka sameeyay gudaha bariga Jerusalem oo ka mid ah deegaanada ay haysato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here