Booliska Jarmalka oo baaray guriyaha 4 eedeysane oo lala xiriiriyay weerarkii Vienna

Ciidamada booliska ee dalka Jarmalka ayaa maanta baaritaano ka sameeyay guriyaha afar eedeysanayaal kaddib weerarkii dhawaan ka dhacay magaalada Vienna ee wadanka Austria.
Dadkan ayaa lagu tuhmayaa inay xiriir la lahayeen qofkii falkaas gaystay ee dilay afar ruux.
Saraakiisha ammaanka ee Jarmalka gaar ahaan qaybta qaabilsan la tacaalidda falal dambiyeedyada ayaa sidoo kale xusay inay baaritaano ka sameyeen magaalooyinka Osnabrueck, Kassel iyo degmada Pinneberg.
Booliska Vienna ayaa dhacdadaas kaddib sheegay inay toogteen ninkaas oo 20 sano jir ahaa sidoo kalena haystay dhalashada wadamada Austria iyo waqooyiga Macedonia.
Saraakiisha ammaanka ee Austria waxay sheegayaan in ilaa iyo hadda 15 qof loo xiray falkaas.
Dowladda Switzerland ayaa sidoo kale xirtay laba qof oo la rumeysan yahay inay qorsheyeen weerarkii Isniinta ee Vienna.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here