Booliska jarmalka oo xiray nin looga shakiyay inuu weerar qorsheynayay

Ciidamada booliska ee dalka Jarmalka ayaa xabsiga u taxaabay nin ay da’diisu tahay 37 sano oo dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Suuriya.
Ninkan ayaa la qabtay kaddib markii lagu tuhmay inuu weerar bambo loo adeegsanaya uu qorsheynayay.
Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay kaddib baaritaano ay ka sameeyeen guri uu ku sugnaa oo ku yaalla magaalada Berlin.
Dacwad oogayaasha Jarmalka ayaa intaasi ku daray in qaraxaasi la doonayay in xilli aan la ogeyn lagu qarxiyo meel aan la caddeyn.
Toddobaad ka hor ayay ayayd markii ciidamada ammaanka ee dalkaasi ay magaalada galbeed ee Offenbach ay ku qabteen saddex qof oo looga shakiyay in iyagoo matalaya kooxda ISIS ay weeraro qorsheynayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here