Booliska Kakamega oo baaraya dab ka kacay dugsi halkaasi ku yaalla

Ciidamada booliska ee ismaamulka Kakamega ee gobolka galbeedka dalka ayaa sheegay inay weli baaritaano ku hayaan dab ka kacay mid ka mid ah dugsiyada.
Dabkan oo ahaa mid xooggan ayaa burburiyay qeybta jiifka ee dugsiga sare ee wiilasha ee Musingu Boys in kastoo ilaa iyo hadda aynan caddeyn sababtii keentay.
Qeybta gubatay waxaa ay hooy u ahayd arday tiro ahaan gaaraya 350..
Hasa ahaate mar jirto cid ku dhimatay ama uu dhaawac ka soo gaaray.
Wasiirka dowlad deegaanka Kakamega u qaabilsan waddoyinka , howlaha guud iyo tamarta, Collins Matemba ayaa dugsigaasi tahay isagoo dhacdadaasi ku tilmaamay nasiib darro maadaama ay ku soo beegantay xilli ardayda qaar ay isku diyaarinayaan imtixaanada qaran ee fasalka afaraad, dugsiyada sare ee (KCSE)
Waxaan la xaqiijin Karin in dabkaasi uu wax xariir ah la leeyahay dibadbaxyo ay sameyeen ardayda fasaalka afaraad oo bishii hore ka cabayay in cunno fiican aan la siin intii ay casharada dheeraadka ah qaadanayeen.
Taliyaha booliska ee koonfurta Kakamega ,Joseph Chesore ayaa warbaahinta u sheegay inay kaashanayaan farsama yaqaanada shirkadda korontada dalka ee KPLC si xaaladda loo qiimeeyo.
Qeybta jiifka ee gubatay ayay dowladdu in la dhiso waxay horay ugu bixisay 20 milyan oo shilin.
Mr .Chesore ayaa xusay in ilaalada dugsigaasi, macallimiinta iyo ardayda qeybtaasi seexanayay ay farriimo qori doonaan si loo dardargeliyo baaritaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here