Booliska Kenya oo lagu eedeyay dilal sharci darro ah

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa saraakiisha booliska ee dalka ku eedeysay in tan iyo bishii sideedaad ee sannadkii 2018-kii ay dileen ugu yaraan 21 qof.
Dilalkan oo kuwo sharci darro ah lagu tilmaamay ayaa ka dhacay xaafadaha Dandora iyo Mathare oo ka mid ah iskuraranta caasimadda dalka.
Cilmi bare ka tirsan hay’adda HRW oo lagu magacaabo Otsieno Namwaya ayaa sheegay in dilalka si isku mid ah loo fuliyay.
Waxay hay’addu sheegtay in booliska ay qof ku tilmamaan tuug, sawiradiisa soo galiyaan baraha bulshada laba toddobaad kaddibna la waayo ugu dambeyna meydkiisa la helo.
Sido kale booliska ayaa lagu eedeyay inay toogasho gaysteen.
Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee (IPOA) ayay Human Rights Watch ku dhaliishay inuunan wax badan sameyn si loola xisaabtamo booliska dilalka sharci darrada ah lala xariiriyo.
Guddoomiyaha maamulka IPOA ,Anne Makori ayaa dhankeeda sheegtay inay baaritaano ku sameyeen in ka badan 5,500 oo kiisas ah.
Sido kale in ka badan 1,900 oo kiisas dheeraad ah ayaa lagu wareejiyay xafiiska waaxda dacwad soo oogidda.
Haweeneydan ayaa intaasi raacisay in xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka ay hadda yaallaan feelalka ilaa 164 oo kiis halka maxkamadaha ay gacanta ku hayaan 49 kale.
Waxay carrabka ku dhufatay in kiisaska badankoodu qoysaska ay saameyeen aynan cadaalad helin maadaama marqaatida aynan isa soo saarin oo ay ka cabsanayaan in la dhibaateeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here