Booliska Kuuriyada Koonfureed oo xiray 19 arday ah

Ciidamada booliska ee Kuuriyada Koonfureed ayaa xabsiga u taxaabay 19 arday ah kaddib dibadbaxyo dhacay.
Ardaydan ayaa lagu eedeyay inay si sharci darro ah gudaha ugu galeen hooyga safiirka Maraykanka ee dalkaasi ee magaalada Seoul.
Kooxda ardayda oo isugu yeera isbeheysiga horumarka ardayda jaamacadeed ayaa sawiro ay ku faafisay barta Facebook-ga waxay muujinayaan qaar ka mid ah oo koraya gidaadka guriga ambasadoor Harry Harris .
Dhalinyarada la qabtay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid yihiin faraha kala baxa arrimaha gudaha ee dalkeena.
Hasa ahaate safaaradda Maraykanka ee Kuuriyada Koonfureed ayaan weli arrintan ka hadlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here