Booliska Laikipia oo lagu amray inay wareejiyaan in ka badan 100 neef oo la soo dhacay

Garsoore Jairus Ngaah oo ka howlgalo maxkamadda sare ee ismaamulka Nyeri ayaa ciidamada ammaanka ee Laikipia ku amray inay dadkii lahaa ku wareejiyaan 107 neef oo lo’o ah oo dhawaan la dhacay.
Xoolahan ayaa laga soo kaxeystay xaafadda ku taalla tuulada Narasha ee degmada Oldonyiro ee ismaamulka Isiolo .
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kaddib dacwad ay geeyeen dowlad deegaanka Isiolo iyo labo qof oo rayid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here