Booliska Malaba oo 6 eedeysanayaal u soo xiray dil halkaas ka dhacay

Paul Etori qofka la dilay
Paul Etori qofka la dilay

Ciidamada booliska ee magaalada Malaba ee ismaamulka Busia ayaa gacanta ku dhigay 6 qof oo loo haysto inay dil gaysteen.
Arrintan ayaa timid kaddib markii mindi la geliyay Paul Etori oo ka mid ahaa wakiillada shirkadaha ka howlgalo magaladaas.
Ninkan ayaa dhintay kaddib markii mindi laga geliyay ilaa 12 meel oo ka mid ah jirkiisa.
Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in eedeysanayaasha la soo qabtay 3-dii aroornimo xilli ay ku wada shekeysanayeen guri shakhsiyeed oo ku yaalla Malaba.
Taliyaha booliska ee deegaanka waqooyiga Teso ,Wilson Muraya ayaa warbaahinta u sheegay in saraakiisha waaxda dambi baarista ay howshan la wareegeen si ay baaritaano dheeraad ah u sameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here