Booliska Mombasa oo toogtay 2 qof oo ay uga shakiyeen argagixisanimo

Ciidamada ammaanka ee ka howlgalo deegaanka Likoni ee ismaamulka Mombasa ,gobolka xeebta ayaa toogasho ku dilay laba eedeysanayaal ah oo lala xariiriay kooxaha gaysta falalka argagixiso.
Waxaa looga takhalusay howlgal ay in ka badan 20 sarkaal fuliyeen aroornimadii hore ee saaka.
Qeybta booliska ee qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee (ATPU) ayaa 5-tii aroornimo ee saaka baaritaano ka sameeyay guri ay eedeysanayaasha ku sugnayeen.
Ilo wareedyo ka tirsan booliska ayaa sheegaya in la rumeysanyahay in sido kale qof saddexaad la dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here