Booliska Mombasa oo toogtay qof ku eedeysnaa argagixisanimo

Ciidamada ammaanka ee dowlad deegaanka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa dilay nin lagu tuhunsanaa inuu ka tirsanaa kooxaha gaysta falalka argagixisada kaddib markii dabagal lagu hayay muddo labo sano ah.
Ninkan ayaa magaciisu lagu sheegay Juma Athman Mwengo waxaana lagu dilay magaalada Kwale oo uu ku dhuumaaleysanayey.
Howlgal ay shalay sameeyeen saraakiisha qaybta booliska ee qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee (ATPU) oo ka tagay magaalada Nairobi ayay ku guuleysteen inay dilaan eedeysanaha kaddib markii toddobad ka hor ay baritaanno ku sameeyeen guriga qoyskiisa oo ku yaalla deegaanka Lunga Lunga ee ismaamulka Kwale.
Tuhmanaha oo ku jiray guri ayaa sida ay booliska sheegayaan lagu amray inuu is dhiibo laakin uu la soo baxay baangad oo uu damacsanaa inuu ku waxyeeleeyo mid ka mid ah saraakiisha balse si xun isaga loo dhaawacay.
Booliska ayaa sheegay in Mwengo uu ahaa shakhsi caan ku ah qorista iyo qorsheeyaasha howlaha argagaxisada ee ismaamullada Mombasa iyo Kwale.
Ilo wareedyo ka tirsan booliska ayaa sheegaya in Mwengo uu mas’uul ka ahaa qorista iyo abaabulka xubnaha burcadda argagixisada ee Msambweni, Likoni iyo Kisauni.
Mwengo ayaa lagu tilmaamay inuu ka baxsaday labo xabsi oo boolis ah iyadoo boolisku ay baadi goobayeen sanadihii 2017 iyo 2019.
Horraantii 2017 ayey ahayd markii saraakiisha ay weerar ku qaadeen gurigiisa ku yaalla deegaanka Likoni gaar ahaan xaafadda Shika Adabu, islamarkaana uu baxsaday waxayna xilligaas ciidamadu soo heeleen 3 jaakad oo ah kuwa mileteriga,laba bam-gacmeed iyo 10 wareeg oo ah rasaasta nooca loo yaqaano 5.56 mm ayaa lagu yiri warbixin uu booliisku soo saaray.
Dhanka kale eedeysane kale lagu magacaabo Qaasim Nassoro Shauti oo ay boolisku ku raad joogeen ayaa lagu soo warramayaa inuu ka baxsaday god ku yaalo gurigiisa gadaashiisa.
Baaritaan ay ciidamada ka sameeyeen guriga Mr Shauti, ayay sheegeen in ay soo heleen shan baangado iyo calan madow oo ay ku qoran yihiin qoraallo Carabi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here