Booliska Nairobi oo xiray dhakhaatiir

Booliska magaalada Nairobi ayaa gacanta ku haya 5 dhakhaatiir ah oo la sheegay inay haween ka soo rideen ama ka soo xaqeen 10 ilmood oo ay caloosha ku sideen.
10-ka canug oo burbursan oo meyd ah ayaa laga helay Xarunta Caafimaadka ee Prestige Health Point oo ku taal Wadada Murang’a ee magaaladatan Nairobi.
Waxaana ilmaha uurka ku jiray lagu tuuray goob ay ku jireen biyo wasaq ah.
Dhakhaatiirtan ayaa ahaa kuwa been abuur ah oo aan u diiwangashaneen wasaaradda caafimaadka ee dalka.
Waxaana hadda lagu haya saldhigga booliska ee Pangani magaaladatan Nairobi iyagoona maxkmadda la soo taagi doono.
Ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ayaa amar ku bixiyay in xarunta caafimaadka ay shakhsiyaadkaa ka hawlgalayeen la xiro sido kalena lagala laabto shatiga ay ku shaqaynayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here