Booliska Nairobi oo xiray labo qof oo lagu tuhmayo ka ganacsiga daroogada

Ciidamada booliska ee ismaamulka Nairobi ayaa howlgal ay xalay ka sameyeen deegaanka Starehe ku soo qabtay labo qof oo ka mid ah koox looga shakisan yahay inay ka ganacsato maandooriyaha.
Saraakiisha ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay inay raadinayaan xubno kale oo baxsaday.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Twittarka waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
DCI ayaa intaa ku dartay in sidoo kale howlgalka lagu soo helay mindiyo, baangado , daroogada xashiishka , xirmooyin rasaas ah iyo hub kale.
Sidoo kale waxay saraakiishu burburiyeen ilaa sideed goobood oo lagu isticmaali jiray maandooriyaha oo ku yaallay deegaanka Starehe .
Booliska ayaa sheegay in isticmaalka iyo ka ganacsiga daroogada loo aaneynayo falal amno darro oo ka dhacay qaybo ka mid ah caasimadda dalka ee Nairobi.
Labada eedeysane ee la qabtay ayay hadda ciidamada booliska oo baaritaano wado su’aalo weydiinayaan ka hor inta galinka dambe ee maanta aan maxkamadda la soo taagin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here