Booliska Nakuru oo xiray 5 qof oo shiinees ah

Ciidamada booliska ee ismaamulka Nakuru ayaa xabsiga u taxaabay 5 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Shiinaha .
Saraakiisha ammaanka ayaa sido kale soo helay 169 ka mid ah qalabka khamaarka.
Howlgalkan ayay ciidamadu ka sameeyeen xaafadda Free Area ee duleedka magaalada Nakuru.
Taliyaha booliska ee dowlad deegaanka Nakuru ,Stephen Matu ayaa arrintan warbaahinta u xaqiijiyay.
Wuxuu intaasi ku daray in howlgalka laga sameeyay guri ay shakhsiyaadka la soo qabtay degganayeen.
Mr. Matu ayaa xusay in abaare 4-tii aroornimo ee saaka ay heleen xog ah inay jiraan muwaadiniinta Shiinaha oo ku howlan ganacsi sharci darro ah kaddibna ay tallaabo degdeg ah qaadeen.
Taliyaha ayaa carrabka ku dhuftay inay baaritaano ku sameynayaan sida ay ku suurtagashay in qalabka oo markii hore laga soo dejiyay dekadda Mombasa loo wareejiyo Nakuru si loogu ganacsado.
Eedeysanayaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga dhexe ee booliska ee Nakuru waxaana lagu wadaa in maalinka jimcaha ah maxkamadda la soo taago.
Laamaha amaanka ee Nakuru ayaa sido kale sheegay in 5-ta qof ee la xiray ay da’dooda u dhaxayso 30 ilaa 51 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here