Booliska Nigeria oo soo badbaadiyay ku dhawaad 150 arday ah

Ciidamada Booliska ee dalka Nigeria ayaa lagu soo warramayaa in sida ay hadalka u dhigeen ay soo badbaadiyeen ku dhawaad 150 arday ah oo wax ka baranayay dugsi ku yaalla dhanka Waqooyi.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in maamulka xaruntaasi waxbarasho uu xusay in ardayda quraan la barayay balse ay soo baxday in dhanka kale xadgudubyo loo gaystay.
Waa markii afaraad muddo hal bil gudaheed ah oo ay ciidamada booliska ee Nigeria fuliyaan howlgal noocan oo kale ah.
Ilaa iyo hadda waxaa dugsiyo dhowr ah laga soo kaxeeyay in ka badan 1000 arday ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here