Booliska oo baaraya geerida nin maalqabeen oo la sheegay in uu is gubay

Booliska ismaamulka Kirinyaga ayaa baaraya geerida nin ganacsade ah oo u dhashay deegaankaasi oo la sheegay in uu is gubay.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay meel 500 mitir u jirta gurigiisa ee ku taal xarunta ganacsiga ee Mbiri ee deegaanka Gichugu.
Ninkan ayaa magaciisu lagu sheegay in Lawrence Muchiri.
Taliye ku xigeenka booliska Gichugu, Patrick Nyaanga ayaa sheegay in ay dhacdadan uu ku soo wargeliyay ninka dhintay adeerkiis.
Taliyaha ayaa dhanka kale sheegay inuu jiro warar sheegaya in Lawrence Muchiri uu khilaaf soo kala dhex galay xaaskiisa.
Waxaa uu intaa ku daray in haatan wadaan baaritaan arrintaan la xiriirita.
Dadka deegaanka Mbiri oo arrintan aad uga naxay ayaa waxay sheegeen inaysan rumeysan karin in Muchiri uu is dillay.
Meydka ayaa loo qaaday goobta meydadka la dhiga ee Kibugi Funeral Home.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here