Booliska oo baaraya qarax ay carrur ku dhinteen Nigeria

Booliska gobolka waqooyi-bari Nigeria ee Katsina ayaa sheegay in ugu yaraan lix caruur ah ay ku dhinteen qarax ka dhacay meel tuulo ah.
Qaraxa ayaa waxaa uu sidoo kale dhaawac ka soo gaaray shan caruur ah.
Gobolkan oo uu ka soo jeeda madaxweyne Muhammadu Buhari ayaa waxaa aad ugu yar qaraxyada.
Booliska gobolka Katsina ayaa sheegay in qaraxa bambaano uu dhacay kaddib markii caruur aan garaneyn bambada oo caws u jarayay xoolo xaafadeed ay soo qaadeen.
Qaraxa ayaa waxa uu gaar ahaan ka dhacay tuulada Yammama, waxayna caruurta ay waxyeellada ka soo gaartay da’doodu u dhaxeeysay 9-12 sano jir.
Shan ka mid ah caruurta uu qaraxa galaaftay noloshooda ayaa hal qoys ka soo jeeday
Laamaha ammaanka ayaa guda galay baaritaan la xarriirta dhacdan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here