Booliska oo daroogo ku qabtay garoonka diyaaradaha ee JKIA

Ciidamada ammaanka ee ka howlgalo gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ayaa gacanta ku dhigay daroogo nooca xashiishka ah oo aan ilaa iyo hadda qiimaheedu la shaacin.
Wararka ayaa intaa ku daraya in maandooriyaha laga keenay magaalooyinka Juba ee Suudaan iyo Entebbe oo ka tirsan Uganda.
Waxay saraakiisha ammaanka warbaahinta u sheegeen in daroogadan loo waday dalalka Cambodia iyo Faransiiska.
Ciidamada la dagaalamo ka ganacsiga maandooriyaha ayaa xusay inay ku guulaysteen baaritaano ay sameyeen iyagoo adeegsanaya xog loo gudbiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here