Booliska oo dilay hoggaamiyaha burcad weerar ka gaysatay Mombasa

Ciidamada booliska ee ismaamulka Mombasa gobolka xeebta ayaa lagu soo warramayaa inay ka takhaluseen nin looga shakiyay inuu hoggaaminayay koox burcad ah oo weerar ka fulisay deegaanka Likoni.
Eedeysanaha la dilay ayaa magaciisu lagu soo koobay Obama.
Waxay ciidamadu ku dileen meel aan sidaas uga fogeyn goobta loo yaqaano Pungu Villa .
Dilka eedeysanaha ayaa yimid hal maalin un kaddib markii madaxa waaxda dambi baarista ee Mombasa Anthony Muriithi uu digniin adag soo saaray.
Mas’uulkan ayaa wacad ku maray in la cirib tirayo kooxda burcadda ee Shiranga isagoo xubnaha ka tirsan ugu baaqay inay isku soo dhiibaan ciidamada ammaanka.
Warbixinta booliska ayaa tilmaamaysa in ninkan la dilay kaddib iska hor imaad dhex maray isaga iyo saraakiisha ammaanka.
Waxay xilligaas hal meel ku wada sugnaayeen eedeysane kale oo lagu magacaabo Cabdullahi oo boolisku ay sheegayaan in la dhaawacay goobtana uu ka baxsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here