Booliska oo dilay mid ka mid ah kooxdii weerarka ka gaysatay Mombasa

Ciidamada booliska ee ka howlgalo ismaamulka Mombasa ayaa sheegay inay dileen mid ka mid ah kooxdii habeenkii ay talaadada soo galeysay weerar ka gaystay xaafadda Bamburi Mwisho.
Falkaasi dhaca ahaa ayaa lagu dhaawacay ugu yaraan 13 qof.
Tallaabada looga takhalusay eedeysanaha burcadnimo ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliska ee deegaanka Kisauni ,Julius Kiragu.
Waxaa uu intaasi ku daray in ninka ay toogteen loo yaqaanay Boyka uuna ka tirsanaa kooxda burcadda ee la magac baxday Wakali Kwanza .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here