Booliska oo gacanta ku dhigay gabadha dhishay wiil ay saaxibo ahayeen

laamaha amniga ayaa gacanta ku soo dhigay Gabadh 15 sano jir ah oo maalinimadii shaley wiil ay saaxibo ahayeen toorey ku dhishay magaallada tan Nairobi gaar ahaan xaafada Lang’ata.
dadka dariska ayaa sheegay Gabadha iyo wiilka ay murmeen ka hor inta aysan gawadha toorida ku dilin.
wiilka oo dhiganayay fasalka 2-aad ee dugsiga sare ayay dadka darisku shegeen in laba jeer ay xabadka uga dhufatay mindida.
Hooyada dhashay Gawadha 15 sano jirka ah oo dhiganeysay faslka lixaad ee dugsiga hoose dhexe ayaan wali fahmin sababta ay gawadheedu u geusatay dilka, iyadoo hooyadan ay markii hore ka war haynin halka ay ku sugneed inanteeda.
dadka dariska ayaa sheegay inay maqleen qeylo ka soo yeeresa guriga oo markay yimadeen ay arkeen wiilkan oo jirkiisa dhiig noqday.
sida ay ay dadku shegeen labadan dhalinyaro ayaa waxaa ka dhaxeeyay xirir jaceyl oo xita gawarta ay malinkii u imaan jirtay wiilka, walina ma cada sababta keentay murankan dhimashada dhaliyay balse dad goob jogayaal ayaa sheegaya in gabadha ay willka ku aragtay inuu wada shekeysi la lahaa gawar kale.
dadaalka lagu badbaadinaayo wiilka ayaa la isku dayay inkastoo taasi ay dhicin madadama markii lageyay isbitaalka St. Mary’s uu geeriyooday.
taliyaha booliska ee deegaanka Lang’ata Gregory Mutiso ayaa xaqiijiyay dhacdadan isagoona sheegay in saldhiga lagu haayo gawadha dilka geysatay si su’aalo loo weydiyo.
meydka wiilka ayaa la geeyay goobta la dhigo meydadka si baaritaan loogu sameeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here