Booliska oo hor istaagay munaasabad lacag arruurin ah ee ismaamulka Kakamega

Waxda adeegga booliska dalka ayaa diiday munaasabad lacag arruurin ah oo la qorsheynayay in lagu qabto ismaamulka Kakamega gaar ahaan bariga Mumias taas oo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto laga sugayay inuu guddoomiye ka noqdo lacag arruurintaas.
Taliyaha booliska Shianda Christopher Wesonga ayaa sheegay in Axadda bari ah la qoreesheeyay in munaasabadda lacag arruurinta ah lagu qabto kaniisadda Mumias.
Laamaha ammaanka ayaa amar dhawaan lagu siiyay inay hor istaagaan kulan walaba oo ka hor imaanaya sharciga dalka.
Siyaasiyiinta ayaa lagu amray in 3 maalmood ka hor ay booliska ugu dhaw ku soo wargaliyaan haddii ay qabanayaan isku soo bax dadweyne.
Tan ayaa timid maalmo uun kaddib markii ciidamada booliska ee ismaamulka Kwale ee deegaanka Msabweni ay ka hor istaageen asxaabta madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto inay ka soo qayb galaan munaasabad la qorsheeyay oo la doonayay in lagu taageero murashaxa madaxa bannaan ee doorashada ku celis ah oo loo asteeyay in 15-ka bisha Diseembar ay ka dhacdo Musambweni taas oo lagu dooranayo xildhibaanka deegaankaas kadib geeridii ku timid Eebe ha u naxariistee Suleyman Dori.
Dr Ruto wuxuu cadeeyay inuu taageersan yahay Feysal Bader ka dib markii xisbiga talada haya ee Jubilee uu ka tanaasulay tartanka isaga oo u xaglinaya Cumar Boga oo ka tirsan ODM.
Sanatarradii hore kuwaas oo kala ah Johnstone Muthama, Cumar Xasan iyo Boni Khalwale oo dhammaantood xulafa la ah Madaxweyne kuxigeenka – ayaa laga hor istaagay inay galaan Hotelka Diani Beach, halkaas ay u qorsheysteen inay kulan ku qabsadaan..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here