Booliska oo ka hadlay weerar ka dhacay Yuumbis

Wargayska Daily Nation ee ka soo baxo gudaha dalka oo soo xiganaya taliyaha booliska ee gobolka waqooyi bari Mr. Rono Bunei ayaa ku warramaya in galinkii dambe ee shalay weerar lala eegtay tuulada Yuumbis ee ismaamulka Garissa.
Mas’uulkan ayaa xusay in israsaasayn xooggan ay ka dhalatay weerar lagu soo qaaday qeybta ilaalada xuduudda ee Yuumbis.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ciidamada ammaanka ay iska caabiyeen kooxdii soo weerartay in kastoo uunan faahfaahin dheeraad ka bixin.
Ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ee falkaas ka dhashay wuxuuna taliyaha booliska ee gobolka Mr. Bunei sheegay inuu faahfaahin dheeraad ah bixin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here