Booliska oo kala eryay siyaasiyiin doonayay inay isku soo bax qabtaan

Ciidamada booliska ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa ku kala eriday siyaasiyiinta taageersan madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto kuwaas oo isku dayay inay sameeyeen isku soo bax dadweyne xilii ay sii kordhayaan kiisaska Corona Virus.
Siyaasiyiintaan oo uu hogaaminayay senetarkii hore ismaamulka Kakamega Boni Khalwale ayaa ciidamada booliska waxaa ay kala kulmeen dharbaaxo xoogan iyagoona laga joojiyay isku soo baxoodii.
Mr Khalwale ayaa muuqaal laga duubay la arkayay isaga oo biyo ku shubaya madaxa ciidamada booliska Hamisi ee ismamaulka Vihiga.
Senetarkii hore Kakamega iyo xulafadiisa waxaa ay isugu tageen gurika xildhibaan Charles Gimose’ ee ku yaala dowlad deegaanka Vihiga .
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha dalka mudane Uhuru Kenyaatta oo 30 maalmood kale ku daray in la sii wado mamnuucida isku soo baxyada dadweynaha taas oo u muuqata in siyaasiyiinta qaarkood aysan u hogaansamin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here