Booliska oo laga doonayo inay si buuxda u dhaqangeliyaan amarrada ka dhanka ah fayraska corona

Ciidamada ammaanka ee dalka ayaa lagu amray inay dhaqangeliyaan tallaabooyinka wasaaradda caafimaadka ee lagula tacaalaya cudurka COVID19.
Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah inaan la qaban Karin kulamada dadweynaha.
Sido kale waxaa khasab ah in qof kasta oo ku sugan goob dadweyne uu sito afxirka ama maaskarada.
Maqaayadaha iyo goobaha lagu cunteeyo ayaa laga billaabo caawa waxaa la xirayaa 7-da fiidnimo.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu sheegay in sarkaalkii goobta uu ka howlgalo laga soo tabiyo inaan loo hoggaansamin amarrada dowladda ,qudhiisa lala xisaabtamaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here