Booliska oo loogu baaqay inaynan shacabka dhibaateyn

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa ciidamada booliska u soo jeediyay inay waajibaadkooda gutaan balse aynan dadweynaha ula dhaqmin si bani’aadanimada ka baxsan.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa hoosta ka xarriiqay in bandowga wadanka ka jiro loogu talagalay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka COVID19 sidaas awgeedna aan loo baahneyn in dhaqangelintiisa ay dhibaato dheeraad ah ka dhalato.
Waxaa baaq kani la mid ah soo saaray barasaabka ismaamulka Kakamega ahna guddoomiyaha golaha hoggaamiyaasha dowlad deegaanada ee COG Wycliffe Ambetsa Oparanya.
Qaabka ay saraakiisha ammaanka howlgallada u fuliyeen ayuu Oparanya dhaliilay isagoo xusay in awood xad dhaaf ah la adeegsaday.
Sido kale wasiirka wasaaradda caafimaadka ayaa booliska ka codsaday inay shacabka u naxariistaan.
Waxaa uu dhanka kale Kenyaanka ka codsaday inay u hoggaansamaan amarka Dowladda oo ayna guriyaha ku sugnaadaan saacadaha uu bandowga shaqeeynaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here