Booliska oo oggolaaday in la qabto kulamo uu ka qayb galaya ku xigeenka madaxweynaha dalka

Ciidamada booliska ee dalka ayaa ugu dambeyn oggolaaday in ismaamulka Nyamira lagu qabto kulamo lagu casuumay ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Mid ka mid ah kulamadan ayaa qabsoomaya berri oo khamiis ah.
Toddobaadkii hore ayay ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto iyo xulafadiisa siyaasadeed dib u dhigeen isku imaatin dadweyne oo loo ballansanaa kaddib howlgallo ay ciidamada ammaanka ku hor istaageen.
Taliyaha saldhigga booliska ee Nyamira Maxamad Sasura ayaa sheegay in kulanka berri uu dhici karo si lacag uruurin loogu sameeyo ururka wadayaasha mootooyinka ee ismaamulkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here