Booliska oo qabtay nin lagu eedeynayo inuu guursaday arday fasalka saddexaad ah

Booliska ayaa waxay qabteen nin 20 sano jir oo ka soo jeeda galbeedka Lamu oo lagu eedeynayo inuu guursaday gabadh fasalka saddexaad ah.
Ninkan oo lagu magacaabo Wanje Kaingu Ngowa, oo ah nin ku shaqeysta mootada dhugdhugleyda loo yaqaano ayaa lagu eedeynaya inuu gabadha 12-sana jir ah mudda todobaad ah kula noolay gurigiisa.
Dadka dariska ayaa waxay shegeen in ninka uu aad u imaan jiray guriga gabadha oo uu keeni jiray cunto kaddib markii gabadha ay kaligeed ku noqotay guriga hooyadeedna aaday buukan ku jiray isbitalka King Fahad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here