Booliska oo raadinaya dad la karantiilayay oo baxsaday

Saraakiisha ammaanka ayaa dabagal ku sameeynaya shakhsiyaad tiro ahaan dhan 50 oo ka baxsaday machadka lagu barto culuunta caafimaadka ee KMTC ee magaaladatani Nairobi halkaas oo lagu karantiilayay.
Warbaahinta maxalliga ee Citizen TV ayaa ku warramaysa in dadka baxsaday ay casheynayeen kaddibna uu roob billowday taasoo keenay in saraakiishii ilaalinayay ay gabbaad raadsadaan kaddibna waxaa u fududaatay inay goobta ka baxsadaan.
Baraha bulshada ay ku wada xiriirto ayaa lagu faafiyay muuqaal laga dhex arkaya qaar ka mid ah dadkan oo gidaarka xaruntaas ka degaya.
Galinkii dambe ee shalay ayay xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi dhacdadan xaqiijisay.
Ilaa iyo hadda waxaa uu gudaha dalka cudurka Covid-19 ku haleelay 296 qof.
Waxaa u dhintay 14 qof , dadka ka bogsaday ayaa tiro ahaan ah 74 waxaana ilaa iyo hadda baaritaano lagu sameeyay 14417 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here