Booliska oo shaaciyay magaca ninkii hoggaaminayay weerarkii habeen hore ee Sareedo

Ciidamada booliska ee dalka ayaa sheegay in weerarkii argagixiso ee habeen hore lagu qaaday tuulada Sareedo ee deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa uu ka dambeeyay nin lagu magacaabo Mauliid Bilaal .
Bayaanka booliska waxaa lagu xusay in ninkan uu madax u yahay koox burcad ah oo horay dhibaatooyin uga gaystay deegaanka Fafi iyo sido kale Xuluuqo oo ka tirsan Garissa.
Weerarkii tuulada Sareedo ka dhacay ayaa waxaa ku dhintay afar arday oo saddex ka mid ah ay walaalo ahaayeen.
Waxaa uu sido kale dhaawac soo gaaray 4 qof oo kale oo mid ka mid ah uu ka tirsan yahay ciidamada ammaanka.
Dableyda oo laba ka mid ah la dilay ayaa sido kale burburiyay qalabka isgaarsiinta ee shirkadda Safaricom.
Ciidamada ammaanka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha deegaanka Dadaab ,Kibet Bowen ayaa shacabka ugu baaqay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.
Dadweynaha ayaa sido kale laga codsaday in wax kasta oo ay uga shakiyaan inuu ammaanka khalkhal gelin karo ay saraakiisha ku war geliyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Laamaha ammaanka ayaa sido kale bulshada ugu baaqay in cidii meel ku og Mauliid Bilal ay soo sheegto.
Ninkan ayay boolisku sheegayaan ka hor inta uunan ku biirin Al-Shabaab inuu ahaa macallin madaraso dhigo.
Dhanka kale kaddib weerarkii ka dhacay tuulada Sareedo waxaa albaabada la isugu dhuftay dugsiga hoose dhexe ee halkaasi ku yaallo oo qaar ka mid ah ardayda dhigta ay waxyeello soo gaartay.
Waxaa dhacdadaas kaddib dugsiga xiray agaasimaha waxbarashada ee ismaamulka Garissa Khalif Issaaq.
Mr. Isaaq ayaa sheegay in xaruntaasi waxbarasho ay xirnaan doonto ilaa iyo inta xaaladda ay ka noqonayso sidii caadiga ahayd .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here