Booliska oo shacabka ugu baaqay in ay kala shaqeyaan amniga

Abaanduulaha ciidamada booliska ee dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa dadweynaha ku boorriyay in ay si dhow ula shaqeyaan saraakiisha ammaanka si looga hor tago falalka amni darrada.
Mr. Mutyambai ayaa baaqan diray xilli uu baabuur cusub ku wareejiyay taliyaha booliska ee deegaanka Jomvu ee ismaamulka Mombasa Mr. Alfred Nthiga .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay ku faanayaan qaabka qaar ka mid ah shacabka ay booliska ugu soo gudbiyaan xogaha muhiimka ah.
Taliyaha guud ee booliska dalka ayaa ku nuuxnuuxsaday in qaybaha kala duwan ee bulshada laga doonayo in ay mas’uuliyad shakhsiyeed iska saaraan arrimaha ammaanka oo aynan ku haleyn oo keliya ciidamada amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here