Booliska oo sheegay in la xakameeyay dab xalay ka kacay isbitaalka Mombasa

Taliyaha booliska ee gobolka Xeebta Rashiid Yaaquub ayaa sheegay in lagu guulaystay in la damiyo dab galinkii dambe ee shalay qabsaday isbitaalka magaalada Mombasa.
Dabka ayaa ka billowday qeybta bukaannada cuntada loogu kariyo kaddib markii ay qaraxday mid ka mid ah haamaha gaaska.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay 9-kii fiidnimo ee xalay iyadoo si dhaqsa ah loo daadgureeyay dadkii halkaasi lagu daaweynayay.
Guddoomiyaha ismaamulka Mombasa Cali Xassan Joho ayaa maalmo ka hor ku jiray isbitaalka uu dabka ka kacay kaddib markii xanuunka duumada uu ku dhacay.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay dabkaasi ay la tacaleen saraakiisha waaxda dab damiska ee ismaamulka Mombasa.
Waxay tani ku soo aadaysa kaddib markii isniintii uu dab kale qabsaday isbitaalka weyn ee gobolka xeebta .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here