Booliska oo soo helay wiil maalmo ka hor lagu afduubtay Kisumu

Ciidamada booliska ee ismaamulka Homa Bay ayaa soo helay wiil yar oo axadii la soo dhaafay laga afduubtay dowlad deegaanka Kisumu.
Wiilkan oo ay da’diisu tahay 7 sano jir laguna magacaabo Akif Malik ayaa laga kaxeystay xaafadda Kenya Re Estate .
Sido kale saraakiisha ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney lala xariirinayo afduubkaasi.
Taliyaha waaxda dambi baarista ee ismaamulka Homa Bay Daniel Wachira ayaa sheegay in canugga ay ka soo heleen degmada Nyandiwa ee Koonfurta degaanka Suba.
Akif Malik ayaa la helay isagoo badqabo halka haweeneyda xabsiga loo taxaabay weli su’aalo la weydiinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here